| DIRIDHABE |
|
|
|
|
Soomaaliyey kala tag waa lagu tasoobaaye Isku tiirsi bay labo gacmood tamar ku yeeshaane Nin taawooni iyo naguma jiro geesi taliyaaye Maantay tisqaaddaye haddii la is tixgelin waayo Haddaan tobanba tuur joogsannaa ma lihin taariikhe Tuug lama hadhaystiyo ibleys taar ku soo degiye
Diridhabe hadigii weeyi iyo meel la hoos tago e Waa meel toban qabiil nala degtoon talo wadaagnaaye Toggan Eebbe noo dhigay anoo dhab u tilmaamaaya Tagtaaggaa wacanee loo dhisiyo weliba teeraanka Dhirtan taagan tuurahan hawada Eebbe nagu tiirshay Dekedahan la wada toosiyee uunku tamashlayi Dugsiyda tacliintaa ka badan tiriyo dheeraade Taraansiitka gooshiyo tareen taako lagu haado Tog waliba tab uu rag u dhisaan kaga tallawnaaye Wax tilmaami karayaa ma jiro sancada taallaaye Tukaannadan camiran iyo sarciga meel waliba tuulan Wuu toogga beelaa ninkii toos la soo gale e Taarikh-wanaag Tiridhabay taydii baad tahay e Tariigyadan iftiimiyo warshado suuq waliba teedsan Waa tahniyad Ilaah noo dhigoo naga tasoobayne Tilmaanteeda kii doonayaw waanigaa tirine Taariikhday joogtiyo kuwaa maanta talinaay Uun baa tusaalaha xornimo lagu tibaaxaaye Allow nabadda taam nooga yeel waan ku tiirsaday e
Yaasiin Idiris Rayaale (Yaasiin-Muriid)
|







salaama caleeykum wa raxmatuulaahy wa...
ASALAMU CALAYKUM WARAHMA TULAAHI WABA...
Waan salaamaya ogaaska beesha ciise
Walaal Asalamucalaykum , waxaan rab...
asc marka hore waxan salaamaya ogaask...