• Ku soo dhawaada
  • War-bixiin
  • Ugaaska
  • Ugaas Mustafa iyo Ayshaca


Ku soo dhawaada bogga

 

Interneetka ee Ugaaska Ciisaha.

 

Walaalaya
Kala soocda sawiradii ku soo laabankii  
Ogaas Mustaffe Maxamed Ibraahim
ee itoobia

WAA KUMA UGAAS MUSTAFE

News image

Ugaas Mustafe Maxamad  Ibraahim Ugaas Wacays   waxa uu ku dhashay Magaalada Diri Dhaba (Itoobia) sanadkii 1992.  Waxana uu ku Barbaaray isla Magaaladaasi halkaas ayuu ka bilaababay  Waxbarashadiisii  Aasaasiga ahayd  Dugsiga  Xaaji Cali . Dabadeed waxa oo uu uga gudbay Dugsiyada kale ee ku yaala Diri Dhaba  oo uu dhiganayey  Fasalka Toddobaad  . Ugaas Mutafa  waxa...

Ugaaska 19aad | OBO | Mercredi, 13 Janvier 2010

La suite

Ugaas Mustafa iyo wafdigii uu hogaaminayey oo soo gaadhay Ayshaca

Wararka naga soo gaadhaya Ayshaca ayaa sheegaya in ugaas Mustafe iyo  wafdigii wehelinayey soo gaadheen saaka  xarun dhaqameedka Sitti . Wafdiga ayaa maalintii Isniintii ka soo baxay Diridhaba soona  gaadhay mille halakaas  oo lagu qabtay shir wada tashi. Ka dib Ogaasku iyo wafdigiisu waxay u gudbeen Salaasadii xarun Dhaqameedka Habaqo....

War Degdeg Ha | Administrator | Jeudi, 24 Décembre 2009

La suite
UGAAS MUSTAFE PDF Imprimer Envoyer

Shan iyo toban sanaan kala danbayn dood na ku ekayne

Daranyiyo harraad baa na helay hiiqdin iyo daale

Dariiqiyo waxaa naga xidhnaa dawga nololeede

Dan kastoon wadna ba kala taggaa nagala doorraaye

Deyr dhaxan ceshaa noo dhashiyo deeqside ugaase

 

 

Dayax baa ka soo baxay waddada darifyadeediiye

Intuu dirir onkoday bay biyuhu dalandalaayaane

Dooggiyo xareedday nimcadu dibadda joogtaaye

Dalandoolka reerihii tegaa maanta soo degaye

Daaq iyo tigaad baa ka baxay beledkii diirraaye

Waxaan daawanaynnaa nimcada dacalladeediiye

Deyr dhaxan ceshaa noo dhashiyo deeqside ugaase

 

Kolkaan doorannuu naga dul kacay wahabkii duuggiiye

Darifyada ayaan haysannaa tanina waa deeqe

Hadday beeshu kala durugsanayd waa la doogsaday e

Degta iyo waxaa la is qabsaday labada daafoode

Deyr dhaxan ceshaa noo dhashiyo deeqside ugaase

 

Dahaadhkuu ka rogay meel kastoo naga daboollayde

Damaashaad bay beeshu u kacdoo waa la diirsaday e

Karan lagu dawoobaa da’diyo daalalliyo xayse

Dhulkii laga dareeray biyuhu dibadda yaalliine

Dooxyadii ayaa wada hinqaday daad na wuu galay e

Xidiguhu daleed bay u baxeen nuurka daalacay e

Waxay dunidu soo eegayaan degelladeenniiye

Xeerkeenanay doonayaan inay ku daydaane

Deyr dhaxan ceshaa noo dhashiyo deeqside ugaase

 

Sicirbararkii buurtuu dadbaday wuu ka daadegay e

Deefkiyo bariiskuu khalqigu soo daldalayaaye

Hibadiisii baa lagu dan helay daalla wuu baxay e

Cirkoo da’ay tigaad darac tidhi oo maalka lagu doojay

Qariddoo xareed lagu dan helay la isla daba yaacay

Ninkii maro ku soo daahirtaa daaqsinta u naqane

 

Da’da gabaygu duud bay gashiyo meelo doolli ahe

Marna dawlis uma qaato oo dhuristu waa duuge

Kolkaan riigga daadsado ayuu iba darrooraye

Cay waan ka daayiyo habaar la isku daakhilo e

Han dillaacsho maantaa ugaas loo dabbaaldegay e

 

Qabiil lagu durkaa waa waxaa dilay ninkiisiiye

Waa kaa dugsigii soomaaliyeed meel ba daaf dhigay e

Qarannimadii waa kaa dunshee cidi u doodayne

Waa kaa u soo kala daldalay labada daafoode

Waa kaa lafihii daadiyee cid u danaynayne

Waa kaa ninkii soo dayiba daalalyo u go’aye

Dareen bay qabaan inay yihiin duulal kala dheere

Soomaalinimaa kii la dilay loogu daw galay e

Waa kay diyaarado laliyo danabyo haysteene

Wa kay dibaabado arlada dubul u joogeene

Waa kay rag kala daadiyaa daaqadda hayeene

Waakay saraakiil is dayi dalabka haysteene

Waa kuu ninkay mar u digaan daakhilka ahaaye

Waa kaa siyaasado derderan loogu daw galay e

Waa kaa loo dabbaal joogsadee maabka loo degaye

Waa kaa daqiiq laga dhigtee reero loo dubay e

Waa kaaa dabkay niman shideen duudihii gubay e

Waa kaa diradiraaliyo basaas dhereg is daadsheene

Waa kaa calankii doogga u ekaa daatay waa hore e

Waa kaa danba aan laga lahayn sharaftii diineede

Waa kuwaa misgiiddadii dumee kiciyay duufane

Waa kuwaa dabaaxado noqdiyo degel miskiineede

Waa kaa ninkii daaya yidhi toorri loo dayay e

Dhakhaatiirtii waa kaa la dilay damac na loo layne

Dad haddii la kala caynadayn doorsan baa dhacay e

Daaniyuhu waa kaa dhex galay ul iyo diirkeede

Waa kaa dabaqii soomaaliyeed liicay ee dabay e

Waa kaa raggii dayi lahaa dam iska siiyeene

Waa kaa hablihii dahabigii diricii iibsheene

Waa kay nin ay dan u lahay daha la jiifaane

Waa kaa dal baa ku asturee dibad ka joogaane

Waxaa iga dardaar na haddaan gabay ni deeqsiiyay

Ugaaskeennu hawshuu dalbado yaana lagu diidin

Hadba meeshuu nii diro murtida laabta damacsiiya

Hadday iini meel dibada taal nabarka daaweeya

Qoloqolada waa lagu dumaye deyrasha adkaysta