Jaaliyada Cisse ee london degeen oo xaflad aad u qurux badan u qabaqaabisay Ogaas Mustafe. Diyaarinta isku duba riddida reer uk waxaay ahayd mid aan u qushuucnay.axaddii 25 bisha avril baay bilaabantay xafladdii qarniga ee ugaas mustafa lagu maamuusaayey.5tii galabnimo saacadda uk baa la furey halka xafladda ee xaafada heatrow waxaa lagu bilaabay aayaddo quraanka kariimka ah,waxaa ku xigey xadiis iyo ducooyin.waxaa ku xigey marti sharaf ka soocday dhamaan bulshadda soomaaliyeed iyo canfarta walaalaheen ah.soomaalidda la casuumey waxaa ka mid ahaa.beelaha samaroonka,issaqa. daarood, hawiyeh, banaadiriga, dirka digirle iyo mirifle.mid walba ugaas mustafe u u duceeyey. Dhamaan daadki kaso qaybgalay habenka sharaftaaleh waxay tahniyaad u soo jediyen Ogaas Mustafe. Waxayna kuu boggadiyeen inu Ogaas Mustafe illahay caafimad iyo cimridhaarar siyo una xeelka la sarayna u fudaydiyo. Halka waxay isla dhigeene inu ogaas Mustafe yahay Ogaas soomaaliyed waxayna kaa codsaadeen inu is kuhawlo dib u heshiisinta beelaha soomaaliyed iyo madax dhaqameedkooda. Waxaa ku xigey qeeybta suugaanta oo lagu furey fanaanada waweeyn ee soomaaliyeed , faadumo ahmed dhanbiil oo qaaday geraar cajiib ah iyo gabayagi Farax cuteh.
.waxaa lugu soo xidhay heeso iyo ciyaarahii hiddaha iyo dhaqanka aha.
Odayada cusub nidaamka loo soo doortay ayaa ahaa nidaam cid walliba raalli galinayay.Lixda Aqal ee ay Beeshu ka koobantahay ayaa Aqalwalba laga dalbay in aw laba oday iska soo xulo. Hase ahaatee reerka Ceeleye waxaa laga soo xulay saddex oday sababta odayga dheeraadka ah loo siiyayna waxay tahay curadnimo.
Beesha Soomaaliyeed ee Absamaha ayaa maalintii. Axadda(25/04/2010) diyaarisay Hadhimo-Sharaf ay ugu tala galeen Ogaaska 19aad ee Ciisaha. Beesha Soomaaliyeed ee Absamaha ee ku dhaqan magaalada Diridhaba ayaa Huteelka Samrat kuu qabatay qada sharafeed ay ugu tala galeen Ogaaska Ciisaha Ogaas Mustafe Maxamad Ibraahim.
Beeshu waxa ay sheegtay in ujeedada ay munaasabaddan udiyaariyeeni ay tahay sidii loo xoojin lahaa walaaltinimada ummadda Soomaaliyeed iyo midnimadooda iyo waliba sidii ay ummadda Soomaaliyeed ay dhaqankeeda usoo noolayn lahayd iyada oo ku tusaale qaadanaysa sida ay Ciisuhu ugu fara adaygeen dhaqanka iyo hannaanka Ugaasnimada.
waxaana munaasabaddaas hadalo kajeediyay suldaan C/Raxmaan Duulane,Ogaas maxammad Cumar,suldaan Maxammad Sheekh Xasan iyo Ogaas Maxammad Xasan ooah Ogaaska Beesha Gurguraha.waxayna dhammaan Ummadda Soomaaliyeed ugu hanbalyeeyeen Ogaaska cusub ee laboqray Ogaas Mustafe Maxammad Ibraahim.iyaga oo sheegay in uu soomaali oo dhan Ogaas uu yahay.Waxayna sheegeen in ay aad ugu farxeen soonoolaynta ay Ciisuhu soo noolaysay dhaqankii Soomaaliyeed loona baahan yahay in ay Beelaha kaliina arrintaas kaga daydaan.Waxayna tilmaameen in ay Soomaali meelkasta oo ay joogto la socotay marxalad kasta oo ay maraysay Ogaas qabashadu maadaama loo arkayay arrin Soomaali oo dhan khusaysa.Waxayna Ogaaska Alla uga baryeen in uu kadhigo mid raaga laguna reeyo.
Iyadoo laga joogo mudo afartan maalmood ah caleema saarkii ugaas mustafe maxamad ibraahim ee magaalada saylac iyaa lagu qabtay magaalada diri dhabe ee dalka itoobiya xaflad balaadhan oo ay soo qabanqaabiyeen maamulka magaaladaas iyo gudigii ugaas qabashada bishii abril 10 kdii waxayna ka dhacday dugsiga sare ee ugaas xasan xirsi.Xafladaa oo bilaabantay 10 kii subaxnimo waxaa ka soo qayb galay marti sharafeed aad u badan oo kakala yimid itoobiya, dalka jabuuti iyo soomaaliland.
Xaflada oo si heer sare ah loo soo agaasimay waxaa lagu soo dhaweeyay martisharafta ciyaaro hido iyo dhaqan ah waxaa kale oo madasha soodhawaynta xaflada ka muuqday caruur aad u badan oo heeso soodhawayn ah ku qaadayay jawigana aad u qurxiyay.
Ka dib markii ay u soo dhamaatay Ogaaska hawshii caleema saarku ee ka dhacday magaalada Saylac ,waxa uu ku sugnaa mudo laba toddobaada magaala madaxada dalka jabuuti ee Jabuuti halkaas oo ay ku soo qulqulqyeen dad aad u badan oo ogaaska soo booqanayey . Munaasabad hadhimo Sharafeed ah ayaa loo sameeyey Ogaas Mutafe iyo Gandihii la socday. Munaasabada oo ka dhacaday sabadka Madaxtooyada ayaa ahayd mid uu ku marti qaday Madaxwaynaha Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geele Ogaaska Ciise iyo Wafdigii wahelinayey waxana ka soo qayb galay xubno ka tirsan golaha xukumada iyo baarlamanka wafdika socda dalka itoobiya oo uu hogaminayey wasiirka dhaqanka iyo dalxiiska mudane Maxamuud dirir suldaanka Tojora , Suldaanka gooba cad iyo suldaanada iyo hogamiye dhaqameedyada beelha Jabuuti degan sida oo kale waxa ka soo qayb galay dadwayne aad u fara badan oo iyagana lagu marti qaaday.
Malinttii Isniintii ee 15/03/10 ayuu Ogaasku Bilaabay Sodaalkiisii uu ugu baxay dalka Itoobiya waxana sii sabootiyey xubno ka tirsan Xukuumada jabuuti iyo dadwane aad u tiro badan kuwaas oo hereero tagnaa jidka uu Ogaasku sii marayey.
Markii uu Ogaasku Gaadhay 12 Duhurnimo Magaalada Ayshaca oo Ahayd Goobtii ugu Horaysay ee uu ku hakado waxa uu booqday maqaamka Sheekh muusa ee ku yaala magaalada Ayshaca halkaas oo loogu duceeyey Ogaaska.
Ka dib markii u ka soo gudbay Ogaas Mustafe iyo wafdigii wehelinayey xuuduuda jabuuti waxa ay soo gaadheen tuulada Galiile ee Gobolka cali sabiix halkaas oo ay heegan ku ahaayeen dadwayne aad u badan oo soo dhawaynayey Ogaaska.
Tuulada Galiile oo ay hadheeyeen dad aad u tiro badan oo ka koobnaa Caruur iyo Cirooleba sida ookale waxa halkaa laga dareemayey shucuurta dadka oo ahayd mid aad u saraysa iyaga oo mudo badan u haraadnaa booqashada Ogaaska.
Markii Ogaaska si fiican loogu soo dhaweeyey Galiile , waxa uu uga gudbay Magaalada Cali Sabiix oo ahayd marinka uu uga sii talaabayey goob dhaqameedka Dhanaan .
Intii uu Ogaaska iyo wafdigiisu ku sii jeedeen Dhanaan waxa tunaa labada dacal ee dariiqa dad aad u tiro badnaa oo ku dhawaaqayey hadalo soo dhawayna isla markaana lulayey caleemo qoyan , mid ka mid ah dadkaa ayaa dariiqa la taagnaa Sibraar Caano ku jiraan oo uu ugu tala galay Ogaaska , waxana u gudoomay hadiyadaa Ogaaska maamulka qabanqaabada Ogaaska .
Manaasabada booqashada Dhanaan oo ku soo beegantay xuskii dhalashadii Nabigiigeena {NNKH] ayaa fursad qaaliya u noqotay deegaanka Dhanaan in ay la wadaagaan Ogaaska xuskaasi.
halkaana waxa habeenkii lagu Xusay Taariikhdii nabi Maxamed {NNKH]
Ka dib Ogaaska iyo wafdigii la socday waxay u gudbeen goob dhaqameedka Beyo Caday oo ka mid ah Gobolka Cali sabiix halkaas oo lagu soo dhaweeyey Ciyaaro hide iyo dhaqana .
Wararka laga helayo deegaanka mille ee itoobiya oo uu ku suganyahay ogaaska iyo odayada gandaha ayaa sheegaya in lagaga dhawaaqay muddada rasmiga ee caleema-saarka ogaas mustafe. Bogga ogaasissa oo xidhiidh kala duwan la sameeyay guddiyada 3da geesood ee itoobiya jabuuti iyo somaaliland ee ku hawlan caleema-saarka ogaaska ayaa xog uu ka helay odayada gandaha ee ku xeeraan ogaaska ay ku dhawaaqeen in muddada rasmiga ee caleema-saarka ogaas mustafe ay ku begantahay 1 - 7/march/10 oo la-siman caddada shan iyo tobanaadka bisha mawliid (rabiicul-awal) 3maalmood kadib mawlita nabiga.
Ogaaska,144ka oday ee gandaha iyo marti-sharafta-kale ee wehelinaysa ayaa socdaal dheer oo qaadanaya ku dhawaad 10 maalmood tallaabada hore ee dhaqaaqa mille kaga soo bixi doona 22/02/10 waxaanay soo mari doonaan dixaha caada-ahaan xeerka ku-dhigan ay-tahayna in la soo mariyo ogaaska kahor caleema-saarka
Xeerku wuxuu ka kooban yahay shuruuc ay ummaduhu dejisteen si loo wanaajiyo xidhiidhada u dhexeeya shakhsiyaadka iyo qaramada, looga hor tego loona xalliyo colaadaha. Xeerka Ciisuhuna wuxuu ka dhashay baahidaa nuucaas ah.
Si ay u tilmaamaan qiimaha uu xeerku aadamaha u leeyahay, Ciisuhu waxay adeegsadaan maahmaahda odhanaysa «meel aan xeer lahayn waa lagu xooloobaa», taas oo macnaheedu yahay : waaxa qofku dadnimadiisa ku hantaa oo uu kaga duwan yahay xayawaanka waa shuruucda uu dejistay ee uu ku dhaqmo.
Waxa laga yaabaa in ay dad badani Aaminsan yihiin in Qabashada Ugaaska Ciise tahay mid ku dhisan dhaqaale iyo Qabwayni , waxase Xaqiiqadu tahay in Ciisihu marka uu doono in Ugaas la Boqro Talaabada u horayse ee la qaadayi tahay Alla bari si ugaaska la dooranayo Talladiisa loo dhiibo Alle, waana mid soo Jirtay Tan iyo markii la boqray Ugaaskii u horeeyey ee ciisaha.
Waxana Caado u ahyad Ciisaha Marka uu alla baryayo Ugaas in ay waydiistaan alla in uu ka dhigo mid ku sugnaada Caddaaladda kana Caaggan Eexda. Taas oo lagu dhisay Mabaadiida ku xussan Xeerka Ciisaha ee ku salaysan u gargaaridda Dhibbanaha iyo xakamaynta Xadgudubyada.
Jidiin iyo Jiscinba ha innaga dhexeeyaan Jalku ha innaga dhexeeyo oo waa jidiinkaa wixii mara. Wahaa la magi ninkii la martigalinwaayo 12 halaad.
Jicsin, waxaa la yidhi dadka caydhooba xadhigga ha loo qaado oo waxaa loo saarayaa guddi ummadda ka kooban, guddidaa ayaa kidinkii waraabe ka qadinba neef ka qaadaysa.
Ciise Ceel Iyo Caws Ma Kala Laha. 4 Aan wada dadno oo wixii naga dhinta aan wada aasanno. 5 Aan wada daaqno, biyo dad laga ceshaa iyo daaq dad loo diido midna ma jirto. 6 Aan wada daafacno wixii dibad nagaga yimadda dalka aan ka daafacno 7
Gabadh laga oohiyo ayaa xaaraan ah ummaddu wada jir bay ugu dagaallami haddii gabadh ooyaysa la arko. Raggu wuxuu waranka iyo gaashaanka u sito ee uu ilaaliyo dumarkaa ka mid
Ogaas Mustafe waxa laga dhaqaajiyay magaalada Mille gellin danbe maalintii salaasaad ee ay taariikhdu ahayd 1/12/2009, isaga oo ay wehelinayeen wefdi ballaadhan oo ka kooban duqaytidii Beesha Ciise oo uu hor kcayo Guddoomiyaha Golaha Gendaha; Xaaji Rooble Wacays. Waxa kale oo iyana Ogaaska wehelinayay tiro ballaadhan oo cilmibaadhayaal iyo saxafiyiin ah,kuwas oo u socday ururinta iyo diiwaangelinta dhaqanka Beesha Ciisaha eek u saabsan sida Ogaasyada loo qabto. Ujeeddada laga lahaa booqashadani waxa ay ahayd in Ogaaska loo hooyo reer ka mid ah reerihii dhaqanku ahaa in loo hooyo oo halkan ahaa Mamaasan Reer Wacays ah, kuwaas oo hadda ku sugnaa deegaankaa.
A S C walalayaal marka hore RAMADAN K...
waan ku salamay marka hor ugaaska bee...
anigo ah wiil dhalinyara ah oo dagan ...
asalama calaykum waarax matulahi waba...
asc aad iyaan ugo faraxsanahay webka...