Habeenimadii Khamiiseed ee bisha sebtambar ahayad 23 kuna beegnayd 14 bisha Shiwaal ayuu Ugaas Mustafa Maxamed Ibraahim ku aqal galay magaalada Diridhabe ee dalka Itoobiya, Xaflad aad u balaadhan ayaa munaasabaddaa darteed lagu qabtay fagaare aad u wayn oo ciyaaraha loogu tala galay , waxana halkaa lagu soo ban dhigay ciyaaro dhaqameed , heeso ,gabayo aad loogu bogay .
Habeenkii isniinta ee bisha Ramadan 14 ahayd , tasoo ku begaan sannad kadiib wakhtigii la qabtey Ogaaska Ciisaha , waxa ka dhacay magaalada madaxda Diri-Dhabee , Arooskii Ugaaska 19aad , Ogaas Mustapha Mohamed Ibrahim , oo loo donay Hoyoo Casha Cabaadeh Cabdi Jibriil.
Arooska Ugaasku waxa uu ka koobna un doonis iyo meher, aqal-galku waxa uu noqoondona sida lagu wado bisha shuwaalka dhexdiisa . Gabadhana waxa lagu doonay magaca 12ka aqal ee qabiilka Ciisaha . Waxana munasibadaas kasoo qaybqatay dad badan oo Ciisaha iyo marti sharaf farabadaan aw ka miid ahayeen madax-dhaqameedka beelaha Somaliyeed iyo qowmiyadaha kalee Ethiopia , Oromada , Adarida ,Tigreega iyo Amxaarda.Xafladdaana waxa qabanqaabiyey 13ka oday ee la shaqeeya ugaaska iyo guuddigii dhallinyarada ahayd ee marka hore qabanqaabisay xuliddi Ugaaska . Waxa kale oo qayb libaax ka qaatay dhallinyarada reer Dire-Dhaba iyo reer Jabuutii oo kala ahaa qayb u timiday arooska iyo qaar halkaas sii jogay oo so xagaabaxay . Hirgaliinta xafladdasii oo aad u weyneyd waxa kale oo gacan ka geystay ismaamulka Diri-Dhabe oo 3 guuddi isku qeybiyay .
Caleemasaarkii Ogaas Mustafe Maxamad Ibrahim
Subaxnimadii 01/03/10 ahaydna Caleema saarka Ogaaska ayaa Ogaaska loo Dhaqaajiyey hawlihii Caleema saarka waxana lagu horaysiiyey Badda oo loogu maydhayey Ogaaska kabna waxa la geeyey Maqaamka Sheekh Ibraahim Saylici oo loogu xidhay Cimaamadii , kadib waxa Ogaaska lagu soo celiyey goobtii uu ka degenaa Saylac halkaa oo loo diyaarinayey xafladda Caleema saarka. Xafladda rasmiga ah ee ka dhacaysay Shiiraca wayn ayaa waxa ku sii qulqulayey dada aad u fara badan oo lagu marti qaaday waxana ay ka koobnaayeen dadkaasi Suldaano , Hogaamiye dhaqameedyo , Wasiiro , Xildhibaano iyo Marti sharaf ka socotay Saddex geesoodka Itoobiya , Jabuuti iyo Somaliland. Sida oo kale waxa halkaa goob joog ka ahaa Raiisal wasaaraha Jabuuti mudane Dalayta Maxamed Dalayta oo ku yimid halkaasi Diyaarad kuwa qumaatiga u kaca ah . Markii uu soo gadhay Raiisal wasaaraha Jabuuti goobta Caleema saarka ayaa laga soo galbiyey Ogaaska goobtii uu degenaa waxana la fadhiisiyey kursi gaar ah oo loo diyaariyey , waxana lagu furay xaflada Aayado Quraan ah. Ka dib waxa hadalka qaatay Gudoomiyaha Gandaha Xaaji Rooble oo tilmaamay Ahmiyada munaasabada waxana uu Cadeeyey in uu Ogaaskani yahay Ogaaskii Ciisaha oo la caleema saarayo isla markaana uu yahay Ogaas Nabadeed isku xidhaya Ummadaha Geeskan afrika. Intaa ka dib waxa la bilaabaya Duco ay iska daba mareen Duqayti matalaysa Lixdii Aqal ee Ciise taas oo ogaaska loogu Duceeyey . Waxa intaa ka dib la saaray Ogaaska Cimaamadii Ogaasnimada halkaas oo lagu soo gabagabeeyey hab dhaqameedkii Ogaasnimada . Waxana intaa ka dib la bilaabay Damaashaadkii iyada oo halkaa laga bilaabay Heesta layaabka leh ee dadka Shucuurtooda wada kicisay ee uu halabuurkeeda lahaa Abaan Cumar kuula halku dhageeduna ahaa {Ogaas Roobloow Rayadaadaa Reerka gaadhee Ogaas Roobloow lagugu reeyee}
Bahda Ogaasissa.com waxa ay hambalyo iyo farxad qaaliya ay u dirayaan Ugaas Mustafa Maxamad oo ay xalay gabadhi uugu dhalatay magaala madaxda Diridhabe.
« Dhacdooyinka waawayn ee ummadaha ka dhex dhacdaa waxay horseedaan baraarug ku haga dariiqa toosan iyo habsocodka habboon. Haddiise ummad waaya-aragnimada xasuusteeda kobcisaa ay dhaawacanto ummaddaasi waxay qarka u saaran tahay burbur ku soo foolle iyo kala jajab. »
Odhaahdan dhaxalgalka ah ayuu Mooge Dirir Samatar ku bilaabay hordhaca buuggan uu af-Carabiga ku qoray tarjumadda magiciisuna af-Soomaaliga ku noqonayso Hiddaha soojireenka ah Caleemasaarka Ugaaska Ciisaha, buuggan oo, sida ciwaankuba inna tusayo, waddada loo maro boqridda ama caleemasaarka Ugaaska Ciisaha. Qoraha buuggan, Mooge Dirir Samatar, waa siyaasi diinta iyo xeerkaba aad u yaqaan oo reer Jabuuti ah wuxu jagooyin kala duwan oo illaa heer wasiir gaadhey ka soo qabtay dalka Jamhuuriyadda Jabuuti, sida buugga ka muuqatana arrintaasi waxtar ayay u yeelatay qorista buuggan iyo hodonaynta arrimaha uu xambaarsanyahay.
« Dhacdooyinka waawayn ee ummadaha ka dhex dhacdaa waxay horseedaan baraarug ku haga dariiqa toosan iyo habsocodka habboon. Haddiise ummad waaya-aragnimada xasuusteeda kobcisaa ay dhaawacanto ummaddaasi waxay qarka u saaran tahay burbur ku soo foolle iyo kala jajab. »
Odhaahdan dhaxalgalka ah ayuu Mooge Dirir Samatar ku bilaabay hordhaca buuggan uu af-Carabiga ku qoray tarjumadda magiciisuna af-Soomaaliga ku noqonayso Hiddaha soojireenka ah Caleemasaarka Ugaaska Ciisaha, buuggan oo, sida ciwaankuba inna tusayo, waddada loo maro boqridda ama caleemasaarka Ugaaska Ciisaha. Qoraha buuggan, Mooge Dirir Samatar, waa siyaasi diinta iyo xeerkaba aad u yaqaan oo reer Jabuuti ah wuxu jagooyin kala duwan oo illaa heer wasiir gaadhey ka soo qabtay dalka Jamhuuriyadda Jabuuti, sida buugga ka muuqatana arrintaasi waxtar ayay u yeelatay qorista buuggan iyo hodonaynta arrimaha uu xambaarsanyahay.
Wararka naga soo gaadhaya magaalada Harar ayaa sheegaya in maanta si wayn loogu soo dhaweeyay magaalada Harar odayo ka socday beesha Ciise kadib markii ay ka heleen martiqaad bulsho waynta degan nawaaxiga magaalada Harar ee ku abtirsada beesha Ciise. Waxa la ogsoon yahay beesha Ciise inay dagi jirtay nawaaxiga magaalada Harar boqolaal sano ka hor ilaa qarnigii 18aad iyadoo markii dambe sababa kala duwan awgeed ay uuga guureen.
Murtida Xambaarsan Qodobbada Xeerka Qaar ka mid ah
Kolka laga yimaaddo qiimaha iyo mahuraannimada Xeerka, waxa jira murti fara badan oo lagu kaydiyay qaybo ka mid ah qodobbada Xeerka. Qaybta aad mooddo in si gaar ah loogu fara yaraystay waa xuquuqda qofka iyo bulshada oo lagu tilmaami karo qodobada dustuurka ama ‘constitution’. Waxa murtidaa ugu caansan midda tilmaamaysa sinnaanta, midnimada iyo xuquuqda la wada leeyahay. Waxa ay murtida ‘Ciise waa wada Ciise ninna caaro ma dheera’caan ka dhex noqotay Beesha Ciisaha iyo bulshada Soomaaliyeed oo dhan.Waa mid qoto dheer oo aad uga horraysay dhigaalka Xeerka caalamiga ah ee xuquuqda aadmiga ee la dhigay sannadkii 1948kii. Waa murti iyo Xeer ay dadka soomaaliyeed ay ku wada faani karaan. Waxa innoo xoojinaya oo marag u noqonaya murtidaas qotoda dheer tan kale ee ‘Ciise marti ma ahee magan ma laha’. Waxa murtidan ku cad in uu Ciisuhu magan isku lahayn ee uu is marti geliyo. Waa run oo waxa la magan geliyaa cid shisheeye ah oo aan meeshaa la joogo ku tol la’. Waxa ay muridu tibaaxaysaa in uu Ciisuhu yahay tol isku tolane ah oo walaalnimo aawadeed ay ceeb tahay in uu midkood ku kale magan gelyo weydiisto meeshii uu doono ba ha joogee. Nolosha aadamuhu marna kama madhnaato wax cakira oo kolkol na keenta dhimasho iyo dhaawac dhan walba yeelan karta. Arrimahaa iyo raadka ay keenaan ba, waxa ay odayadu u dhigeen dhegeleyo lagu kaydiyay murti qaafiyadaysan. Tusaale haddaan u soo qaadanno, waxa murtidaa ka mid ah: ‘Dirir haku gegdegin, tu sokeeyana haba ku darin’. Waxa murtidan ka muuqata aqoonsiga ay diriri tahay lamahuraan, hase yeeshee ay haboontahay in laga fiirsado oo aan lagu degdegin. Taasi waxa ay qofka ama kooxda ku khasbaysaa in ay mar walba raadiyaan wejiyo kale oo lagu furdaamin karo colaadaha. In kaste oo ay colaadi tahay wax reeban oo laga gaashaanto, haddana waxa ka sii reebnaansho badan oo la adkeeyay tan xigtada ka dhexooganta. Siday doonto ba ha ahaatee, haddii ay colaad ama diriri noqoto mid aan la furdaamin karin, waxa la daba dhigay in lagu dhameeyo aqoonsiga gefka dhacay iyo geedkii lagu ala baxayay. Tani waa mid la isku hor taagayo aano iyo colaad sii socota, sidaa aawadeed na ‘Ciise Boqol amma Buullo maahee Biili ‘Aano’ ma leh’. Dhanka kale, waxa ay odayadu ka hadleen qaabka ay guddidu garta u galayso iyo sida waajibka u tahay in ay caddaaladdu lagamamaarmaan tahay ‘Gari Allay taqaan’. Sidaa aawadeed na waxa la innoo dhigay ‘Walaalkaa maragga ku fur magta na la bixi’. Haybadda iyo sharafta golaha lagu goynayo garta in la ilaaliyo ayaa laga hadlay oo waxa laga reebay in meeshaa wax lagu cuno ama wax la mid ah lagu mashquulo, ‘Guddi raamsanayaa gar ma goyso’ ama ‘Guddi faadhyoomaysi hadal kama fiirsato’.
Waa mid la isweydiin karo sababta uu Ciisaha oo ku baahsan saddex dal (Soomaaliya, Jabuuti iyo Itoobita) noloshiisa casriga ahna uu dhaqanka Reer-Galbeed wax badan ka hadheeyay uu ilaa maanta oo la marayo qarnigii 21aad ugu mintidayo jirashada Xeerka iyo ku dhaqankiisa. Runtii Xeer-dhaqmeedka Soomaalidu guud ahaan, waxa uu kaga duwan yahay Xeerasha la dhashay dawladda casriga ah ee ay Reer-Galbeedku salka u dhigeen, in ay u hayaan kalsooni aan xad lahayn oo ay u arkaan mid aan weligii duugoobaynin. Waxa arrintaa innooga marag ah in ka dib burburkii dawladdii Soomaaliya bilawgii sagaashameeyadii ay dadku u baxsadeen dhankii Xeer-dhaqmeedkii laga tegey. Deganaanshaha ku soo noqday gobollo fara badan oo Soomaaliya ka tirsan sida Somaliland iyo Puntland iyo nabadda laga alkumay ba waxay ka dhasheen u noqoshada Xeer-dhaqmeedkaas8.
Kani waa qodob aad u muhiim ah. Waa taan hore u tibaaxay ismaamulkani inuu yahay qaab-dhismeed dowladnimo oo leh waji ku habboonaa waqtigiisii iyo waayihiisii (dowlad xoola-dhaqato). Halka uu badiyaaba lumay ismaamulhiddeedkii badi Soomaalida kale, uuna ka soo haray uun xeer lagu ishaafalateeyo oo qudhiisu kala lumay iyo hoggaamiyedhaqameeddo nuxurkii laga siibey, sidii aan hore u xusay, halkan waxaan haynaa nidaam idil (system) oo aan ku dhisnayn uun hal qof (hoggaamiye-dhaqameed) balse ku dhisan haya’do (institutions) isu buuxinaya hab dowladnimo.
Haya’dahaas ah tiirarka uu ku taganyahay ismaamul-hiddeedkani saddex ayaa saldhig u ah, waxayna kala yihiin: Xeer, Ugaas iyo golayaal. Sadarrada soo socda saddexdaa haya’dood ayaynu midba mar is ag taagi doonnaa.
2. Salka uu ka soo jeedo ismaamul-hiddeedka Ciisuhu
Ismaamul-hiddeedka Ciisuh wuxuu ku abtirsadaa tusaale cadna u yahay hiddaha soo-jireenka ah ee ummadda Soomaaliyeed. Ummadaha ifka ku dhaqan mid waliba waxay leedahay hidde iyo dhaqan u gaar ah. Astaamaheeda gaar ahaaneed waxaa u yeela baya’dda ay ku dhaqantahay, habnolleedka ay adeegsato iyo duruufaha waaweyn ee soo mara taariikhdeeda. Soomaalidu ma aha sidaa si ka duwan. Waxaa la hayaa wax badan (sida luqadda iyo raadka dhulka ku haray) oo muujinaya Soomaalidu inay tahay ummad fac weyn oo qarniyo badan lahayd hab pulsho-siyaasadeed oo ay isku maamusho. Sida ummadaha kale, wuxuu ahaa hab ka dhashay saddexda shay ee kor ku xusan. Waxaa udub-dhexaadu ahaa xeer aan qornayn haseyeeshee la wada xafidsanaa yahay lana wada ilaalin jirey. Wuxuu ahaa “xeer taabbagal ah oo dhan walba ka dhammaystiran” sida uu qoray Ahmed Sheikh Ali Burale “Wax kasta oo jirey qodobbo ku aaddan ayaa xeerka ku jirey. Waxaa dajin jirey duqeyda iyo waxgaradka bulshada waxaana lagu guddoomin jirey shirweyne ay isugu yimaadaan dadweynaha degaanku” (Ahmed, 2008, p.1).
Bandhig Loo Sameeyay Soo Bandhigida Buugga XEER-ka Ciisaha Oo Lagu Lafu-Guray Xeerka Beeshaas Oo Lagu Qabtay Caasimada Hargeysa Iyo Su’aalihii Xiisaha Lahaa Ee Ka Dhashay Madasha.
Hargeysa (Ramaas) Jan. 23, 2011 - Bandhig ballaadhan oo loogu soo bandhigayey buug si faahfaahsan u qoraya xeerka Ciisaha, ayaa lagu qabtay Magaalada Hargeysa ee caasimada Somaliland.
Buug dhaqameedkan oo ka kooban 253 bog, ,ayaa si gaar ah u lafo-guraya xeerka beesha Ciisaha, oo ka mid ah beelaha ugu faca wayn dadka Soomalida ee ku kala dhaqan gobolka Geeska Afrika. Buugan oo uu qoray qoraaga caanka ah ee Cabdalla Xaaji Cusmaan Ceeleeye, oo ah isla markaana, abwaan iyo wariye dhaqameed ka hawl-galla telefiishanka dawlada Djabuuti ee RTD, ayaa waxa uu ka hadlayaa, sida ay dadka Ciisuhu magaha dhiiga ah u bixiyaan, sida mararka colaaduhu dhacaa loo xaliyo, iyagga oo maraya xeerka Ciisaha, waxa la yeelo marka qof ka mida beesha Ciise faro xumeeyo haweenay Ciise ah iyo qodobo kale oo aad u xiiso badan, kuwaas oo dhammaantood ku qotoma Xeerka beesha Ciise.
Dhammaan bahda mareegta Ogaasissa waxay macaamiisheeda uga mahad celinaysaa sida joogtada ah ee aad ula socatiin waraarka Ugaaska.Intaa ka dib waxaan macaamiishayada ogeysiinaynaa in uu xilligan Ugaas Mustafe ku guda jiro gudashada waajibaadka xajka.Ugaaska waxa gudashada xajka ku wehelinaya ooridiisa hooyo Caasha,aabbihi iyo hooyadii.Waxa kale oo ka mida dadka Ugaaska ku wehelinaya xajka Maxamad Macallin,Maxamad Aadan iyo Ducaale Maxamuud.Haddii Alla yidhaa marka uu soo dhammaysto ee uu xaruntiisa ku soo noqdana waan idin la socodsiin doonnaa haddii Alla yidhaa
Sannadkan 2010ka waxa Jabuuti ka soo baxay oo la daabacay
buug cusub oo aad iyo aad u qiima badan oo magaciisu yahay
XEER-CIISE.Buuggan sida magaciisu tilmaamayo waxa ku qoran XEER-CIISE oo ah ka keliya ee ka nool xeerashii Soomaalida.Waa buuggii u horreeyey oo af-soomaali ku qoran oo si faahfaahsan uga warramaya XEER-CIISE iyo qodobbadiisa.
Habeenimadii Khamiiseed ee bisha sebtambar ahayad 23 kuna beegnayd 14 bisha Shiwaal ayuu Ugaas Mustafa Maxamed Ibraahim ku aqal galay magaalada Diridhabe ee dalka Itoobiya, Xaflad aad u balaadhan ayaa munaasabaddaa darteed lagu qabtay fagaare aad u wayn oo ciyaaraha loogu tala galay , waxana halkaa lagu soo ban dhigay ciyaaro dhaqameed , heeso ,gabayo aad loogu bogay .
Ugaas Mustafe Maxammad Ibraahim iyo Gudiga 12ka oday iyo waliba xubna kale oo beesha katirsan ayaa socdaal kutegay gooba kala duwan oo katirsan gobolka shinile iyo Ismaamulka Diri Dhabe.Socdaalkan ayaa qayb ka ah socda
alada Ugaaska lagu barayo Deegaanka Ciisaha.Taariikhdu markay ahayd 24/7/2010 ayay Ugaaska iyo xubnihii lasocday ka ambabexeen magaalada Diri Dhabe ee xarunta u ah.Waxayna ku horeeyeen magaalada Harmukaale, halkaas oo si diiran loogu soo dhaweeyay.
Waxaanad arkaysay dadka oo imashada Ugaaska aad agu harraadan oo magaalada duleedkeeda usoo wada baxay.Waxayna Ugaaska ku soo dhaweeyen ciyaara dhaqameedyo kala duwan iyada oo ay u kala hadhin rag iyo dimar. Maalintii labaad waxa ay uga sii gudbeen Garba aanane oo iyadana sidii sillamid ah loo gasoo dhaweeyay. Maalintii saddexaadna waxa ay Ugaaska iyo xubnihii lasocdayba gaadheen Jidhimide oo iyadana si fiican loo gasoo dhaweeyay iyadonan look ala hadhin.
Jaaliyada Cisse ee london degeen oo xaflad aad u qurux badan u qabaqaabisay Ogaas Mustafe. Diyaarinta isku duba riddida reer uk waxaay ahayd mid aan u qushuucnay.axaddii 25 bisha avril baay bilaabantay xafladdii qarniga ee ugaas mustafa lagu maamuusaayey.5tii galabnimo saacadda uk baa la furey halka xafladda ee xaafada heatrow waxaa lagu bilaabay aayaddo quraanka kariimka ah,waxaa ku xigey xadiis iyo ducooyin.waxaa ku xigey marti sharaf ka soocday dhamaan bulshadda soomaaliyeed iyo canfarta walaalaheen ah.soomaalidda la casuumey waxaa ka mid ahaa.beelaha samaroonka,issaqa. daarood, hawiyeh, banaadiriga, dirka digirle iyo mirifle.mid walba ugaas mustafe u u duceeyey. Dhamaan daadki kaso qaybgalay habenka sharaftaaleh waxay tahniyaad u soo jediyen Ogaas Mustafe. Waxayna kuu boggadiyeen inu Ogaas Mustafe illahay caafimad iyo cimridhaarar siyo una xeelka la sarayna u fudaydiyo. Halka waxay isla dhigeene inu ogaas Mustafe yahay Ogaas soomaaliyed waxayna kaa codsaadeen inu is kuhawlo dib u heshiisinta beelaha soomaaliyed iyo madax dhaqameedkooda. Waxaa ku xigey qeeybta suugaanta oo lagu furey fanaanada waweeyn ee soomaaliyeed , faadumo ahmed dhanbiil oo qaaday geraar cajiib ah iyo gabayagi Farax cuteh.
.waxaa lugu soo xidhay heeso iyo ciyaarahii hiddaha iyo dhaqanka aha.
Odayada cusub nidaamka loo soo doortay ayaa ahaa nidaam cid walliba raalli galinayay.Lixda Aqal ee ay Beeshu ka koobantahay ayaa Aqalwalba laga dalbay in aw laba oday iska soo xulo. Hase ahaatee reerka Ceeleye waxaa laga soo xulay saddex oday sababta odayga dheeraadka ah loo siiyayna waxay tahay curadnimo.
Beesha Soomaaliyeed ee Absamaha ayaa maalintii. Axadda(25/04/2010) diyaarisay Hadhimo-Sharaf ay ugu tala galeen Ogaaska 19aad ee Ciisaha. Beesha Soomaaliyeed ee Absamaha ee ku dhaqan magaalada Diridhaba ayaa Huteelka Samrat kuu qabatay qada sharafeed ay ugu tala galeen Ogaaska Ciisaha Ogaas Mustafe Maxamad Ibraahim.
Beeshu waxa ay sheegtay in ujeedada ay munaasabaddan udiyaariyeeni ay tahay sidii loo xoojin lahaa walaaltinimada ummadda Soomaaliyeed iyo midnimadooda iyo waliba sidii ay ummadda Soomaaliyeed ay dhaqankeeda usoo noolayn lahayd iyada oo ku tusaale qaadanaysa sida ay Ciisuhu ugu fara adaygeen dhaqanka iyo hannaanka Ugaasnimada.
waxaana munaasabaddaas hadalo kajeediyay suldaan C/Raxmaan Duulane,Ogaas maxammad Cumar,suldaan Maxammad Sheekh Xasan iyo Ogaas Maxammad Xasan ooah Ogaaska Beesha Gurguraha.waxayna dhammaan Ummadda Soomaaliyeed ugu hanbalyeeyeen Ogaaska cusub ee laboqray Ogaas Mustafe Maxammad Ibraahim.iyaga oo sheegay in uu soomaali oo dhan Ogaas uu yahay.Waxayna sheegeen in ay aad ugu farxeen soonoolaynta ay Ciisuhu soo noolaysay dhaqankii Soomaaliyeed loona baahan yahay in ay Beelaha kaliina arrintaas kaga daydaan.Waxayna tilmaameen in ay Soomaali meelkasta oo ay joogto la socotay marxalad kasta oo ay maraysay Ogaas qabashadu maadaama loo arkayay arrin Soomaali oo dhan khusaysa.Waxayna Ogaaska Alla uga baryeen in uu kadhigo mid raaga laguna reeyo.
Iyadoo laga joogo mudo afartan maalmood ah caleema saarkii ugaas mustafe maxamad ibraahim ee magaalada saylac iyaa lagu qabtay magaalada diri dhabe ee dalka itoobiya xaflad balaadhan oo ay soo qabanqaabiyeen maamulka magaaladaas iyo gudigii ugaas qabashada bishii abril 10 kdii waxayna ka dhacday dugsiga sare ee ugaas xasan xirsi.Xafladaa oo bilaabantay 10 kii subaxnimo waxaa ka soo qayb galay marti sharafeed aad u badan oo kakala yimid itoobiya, dalka jabuuti iyo soomaaliland.
Xaflada oo si heer sare ah loo soo agaasimay waxaa lagu soo dhaweeyay martisharafta ciyaaro hido iyo dhaqan ah waxaa kale oo madasha soodhawaynta xaflada ka muuqday caruur aad u badan oo heeso soodhawayn ah ku qaadayay jawigana aad u qurxiyay.
Ka dib markii ay u soo dhamaatay Ogaaska hawshii caleema saarku ee ka dhacday magaalada Saylac ,waxa uu ku sugnaa mudo laba toddobaada magaala madaxada dalka jabuuti ee Jabuuti halkaas oo ay ku soo qulqulqyeen dad aad u badan oo ogaaska soo booqanayey . Munaasabad hadhimo Sharafeed ah ayaa loo sameeyey Ogaas Mutafe iyo Gandihii la socday. Munaasabada oo ka dhacaday sabadka Madaxtooyada ayaa ahayd mid uu ku marti qaday Madaxwaynaha Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geele Ogaaska Ciise iyo Wafdigii wahelinayey waxana ka soo qayb galay xubno ka tirsan golaha xukumada iyo baarlamanka wafdika socda dalka itoobiya oo uu hogaminayey wasiirka dhaqanka iyo dalxiiska mudane Maxamuud dirir suldaanka Tojora , Suldaanka gooba cad iyo suldaanada iyo hogamiye dhaqameedyada beelha Jabuuti degan sida oo kale waxa ka soo qayb galay dadwayne aad u fara badan oo iyagana lagu marti qaaday.
Malinttii Isniintii ee 15/03/10 ayuu Ogaasku Bilaabay Sodaalkiisii uu ugu baxay dalka Itoobiya waxana sii sabootiyey xubno ka tirsan Xukuumada jabuuti iyo dadwane aad u tiro badan kuwaas oo hereero tagnaa jidka uu Ogaasku sii marayey.
Markii uu Ogaasku Gaadhay 12 Duhurnimo Magaalada Ayshaca oo Ahayd Goobtii ugu Horaysay ee uu ku hakado waxa uu booqday maqaamka Sheekh muusa ee ku yaala magaalada Ayshaca halkaas oo loogu duceeyey Ogaaska.
Ka dib markii u ka soo gudbay Ogaas Mustafe iyo wafdigii wehelinayey xuuduuda jabuuti waxa ay soo gaadheen tuulada Galiile ee Gobolka cali sabiix halkaas oo ay heegan ku ahaayeen dadwayne aad u badan oo soo dhawaynayey Ogaaska.
Tuulada Galiile oo ay hadheeyeen dad aad u tiro badan oo ka koobnaa Caruur iyo Cirooleba sida ookale waxa halkaa laga dareemayey shucuurta dadka oo ahayd mid aad u saraysa iyaga oo mudo badan u haraadnaa booqashada Ogaaska.
Markii Ogaaska si fiican loogu soo dhaweeyey Galiile , waxa uu uga gudbay Magaalada Cali Sabiix oo ahayd marinka uu uga sii talaabayey goob dhaqameedka Dhanaan .
Intii uu Ogaaska iyo wafdigiisu ku sii jeedeen Dhanaan waxa tunaa labada dacal ee dariiqa dad aad u tiro badnaa oo ku dhawaaqayey hadalo soo dhawayna isla markaana lulayey caleemo qoyan , mid ka mid ah dadkaa ayaa dariiqa la taagnaa Sibraar Caano ku jiraan oo uu ugu tala galay Ogaaska , waxana u gudoomay hadiyadaa Ogaaska maamulka qabanqaabada Ogaaska .
Manaasabada booqashada Dhanaan oo ku soo beegantay xuskii dhalashadii Nabigiigeena {NNKH] ayaa fursad qaaliya u noqotay deegaanka Dhanaan in ay la wadaagaan Ogaaska xuskaasi.
halkaana waxa habeenkii lagu Xusay Taariikhdii nabi Maxamed {NNKH]
Ka dib Ogaaska iyo wafdigii la socday waxay u gudbeen goob dhaqameedka Beyo Caday oo ka mid ah Gobolka Cali sabiix halkaas oo lagu soo dhaweeyey Ciyaaro hide iyo dhaqana .
Wararka laga helayo deegaanka mille ee itoobiya oo uu ku suganyahay ogaaska iyo odayada gandaha ayaa sheegaya in lagaga dhawaaqay muddada rasmiga ee caleema-saarka ogaas mustafe. Bogga ogaasissa oo xidhiidh kala duwan la sameeyay guddiyada 3da geesood ee itoobiya jabuuti iyo somaaliland ee ku hawlan caleema-saarka ogaaska ayaa xog uu ka helay odayada gandaha ee ku xeeraan ogaaska ay ku dhawaaqeen in muddada rasmiga ee caleema-saarka ogaas mustafe ay ku begantahay 1 - 7/march/10 oo la-siman caddada shan iyo tobanaadka bisha mawliid (rabiicul-awal) 3maalmood kadib mawlita nabiga.
Ogaaska,144ka oday ee gandaha iyo marti-sharafta-kale ee wehelinaysa ayaa socdaal dheer oo qaadanaya ku dhawaad 10 maalmood tallaabada hore ee dhaqaaqa mille kaga soo bixi doona 22/02/10 waxaanay soo mari doonaan dixaha caada-ahaan xeerka ku-dhigan ay-tahayna in la soo mariyo ogaaska kahor caleema-saarka
Xeerku wuxuu ka kooban yahay shuruuc ay ummaduhu dejisteen si loo wanaajiyo xidhiidhada u dhexeeya shakhsiyaadka iyo qaramada, looga hor tego loona xalliyo colaadaha. Xeerka Ciisuhuna wuxuu ka dhashay baahidaa nuucaas ah.
Si ay u tilmaamaan qiimaha uu xeerku aadamaha u leeyahay, Ciisuhu waxay adeegsadaan maahmaahda odhanaysa «meel aan xeer lahayn waa lagu xooloobaa», taas oo macnaheedu yahay : waaxa qofku dadnimadiisa ku hantaa oo uu kaga duwan yahay xayawaanka waa shuruucda uu dejistay ee uu ku dhaqmo.
Waxa laga yaabaa in ay dad badani Aaminsan yihiin in Qabashada Ugaaska Ciise tahay mid ku dhisan dhaqaale iyo Qabwayni , waxase Xaqiiqadu tahay in Ciisihu marka uu doono in Ugaas la Boqro Talaabada u horayse ee la qaadayi tahay Alla bari si ugaaska la dooranayo Talladiisa loo dhiibo Alle, waana mid soo Jirtay Tan iyo markii la boqray Ugaaskii u horeeyey ee ciisaha.
Waxana Caado u ahyad Ciisaha Marka uu alla baryayo Ugaas in ay waydiistaan alla in uu ka dhigo mid ku sugnaada Caddaaladda kana Caaggan Eexda. Taas oo lagu dhisay Mabaadiida ku xussan Xeerka Ciisaha ee ku salaysan u gargaaridda Dhibbanaha iyo xakamaynta Xadgudubyada.
Jidiin iyo Jiscinba ha innaga dhexeeyaan Jalku ha innaga dhexeeyo oo waa jidiinkaa wixii mara. Wahaa la magi ninkii la martigalinwaayo 12 halaad.
Jicsin, waxaa la yidhi dadka caydhooba xadhigga ha loo qaado oo waxaa loo saarayaa guddi ummadda ka kooban, guddidaa ayaa kidinkii waraabe ka qadinba neef ka qaadaysa.
Ciise Ceel Iyo Caws Ma Kala Laha. 4 Aan wada dadno oo wixii naga dhinta aan wada aasanno. 5 Aan wada daaqno, biyo dad laga ceshaa iyo daaq dad loo diido midna ma jirto. 6 Aan wada daafacno wixii dibad nagaga yimadda dalka aan ka daafacno 7
Gabadh laga oohiyo ayaa xaaraan ah ummaddu wada jir bay ugu dagaallami haddii gabadh ooyaysa la arko. Raggu wuxuu waranka iyo gaashaanka u sito ee uu ilaaliyo dumarkaa ka mid
Ogaas Mustafe waxa laga dhaqaajiyay magaalada Mille gellin danbe maalintii salaasaad ee ay taariikhdu ahayd 1/12/2009, isaga oo ay wehelinayeen wefdi ballaadhan oo ka kooban duqaytidii Beesha Ciise oo uu hor kcayo Guddoomiyaha Golaha Gendaha; Xaaji Rooble Wacays. Waxa kale oo iyana Ogaaska wehelinayay tiro ballaadhan oo cilmibaadhayaal iyo saxafiyiin ah,kuwas oo u socday ururinta iyo diiwaangelinta dhaqanka Beesha Ciisaha eek u saabsan sida Ogaasyada loo qabto. Ujeeddada laga lahaa booqashadani waxa ay ahayd in Ogaaska loo hooyo reer ka mid ah reerihii dhaqanku ahaa in loo hooyo oo halkan ahaa Mamaasan Reer Wacays ah, kuwaas oo hadda ku sugnaa deegaankaa.
Asalama calayku waraxmatulahi wabarak...
asc aniga oo ah arday wax ka barta ja...
anigo ah arday dalka turkiga waxkabar...
marka hore waxan salamaya dhalinyarad...
Marka hore waxan salamaya ugaas musta...